Home Wararka Maanta Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku...

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul

0

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta heshiis cusub oo taariikhi ah ku gaaray magaalada Istanbul ee dalkaasi.

Heeshiiskan ayaa taabanaya dhinacyada difaaca iyo dhaqaalaha, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federaalka.

KSoomaaliya ayaa waxaa heshiiskan u saxiixay wasiirka difaaca, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamaac) oo booqasho ku tegay Istanbul, kaas oo la kulmay dhiggiisa Turkiga.

“Wasiirada Difaaca Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday Heshiis muhiim ah oo ku saabsan Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha ka dib booqasho rasmi ah oo uu dalka Turkiga ku tagay Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxaxed Nuur” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ujeedka heshiiskan ayaa ah mid sare loogu sii qaadayo iskaashiga labada dal oo haatan ah mid xoogan, sida lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Turkiga ayaa ah dalka koowaad ee taageerada ugu badan siiyo dowladda federaalka, wuxuuna ka qayb qaataa dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale heshiiskan ayaa yimid xilli muhiim ah oo ay ciidamada Soomaaliyeed ay dagaal adag kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab, kaas oo dhul ballaaran lagu xoreeyay.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa taageero caalami ah u raadineyso ciidamada Xoogga dalka, si ay guul uga soo hooyaan halganka adag ee ay ugu jiraan xoreynta dalka oo dhan.
Ad
Previous articleBaarlamaanka oo ku kala qaybsamay Maqaamka Gobalka Banaadir
Next articleWararkii u dambeeyey dadaalada xabad joojinta looga hirgelinayo dagaalka Gaza

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here