Home Wararka Maanta Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Goordhawayd Safar Dibada ah Ubaxay

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Goordhawayd Safar Dibada ah Ubaxay

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa kaga qayb galayo Addis ababa meertada 35-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Shirweynahan oo ay ka qayb galayaan Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika iyo madax kale, ayaa looga arrinsanayaa dib-u-habaynta Ururka Midowga Afrika.

 

hirgelinta hiigsiga Ururka ee sannadda 2063 iyo wax ka qabashada caqabaha kala duwan ee ay Qaaraddu wajahayso oo ay ugu horreeyaan rabshadaha, saboolnimada, cunno yarida iyo cudurka COVID-19.

Ad
Previous articleBarlamaanka Turkiga oo Go,aan kasoo Saaray Ciidamada Soomaaliya Turkiga ka Jooga
Next articleMaamulka Koonfurgalbeed oo shaaciyay Jadwalka Doorashada Baraawe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here