Home galmudug Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in Galmudug laga joojiyo Farogalinta

Madaxweynaha Puntland oo ku baaqay in Galmudug laga joojiyo Farogalinta

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku taliyay in xallinta xaaladda Galmudug faraha looga qaado dadka u dhashay gobolkaas, wuxuuna dowladda Federaalka ku dhaliilay inay howlhahaas ka qaadatay door aysan lahayn.

Waxaa uu sheegay in dadka degaanada Galmudug ay dhisteen maamulka,islamarkaana hadii la faragaliyo dhibaatooyin badan ay ka dhalan doonaan.

Wareysi gaar ah oo uu Deni siiyay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa lagu weydiiyay su’aal ku saabsaneyd inay iska war qabaan isaga iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle “Xaaf”, oo sidoo kale uu khilaaf weyn kala dhaxeeyo dowladda dhexe.

“Sida aannaan annaguba u jecleyn in aan faraha lala galin arrimaheenna hoose ayey Puntland iyaduna u ixtiraameysaa maamul walba arrimhiisa gudaha ah, waana shey dabiici ah inay aragti kala duwanaan iyo khilaafaad dhacaan xilliga doorashada, laakiin waxaan ku ixtiraameynaa dadka reer Galmudug inay arrimahooda dhammeystaan”, ayuu yiri.

Si toos ah ugama uusan jawaabin su’aasha la xiriirtay in isaga iyo Xaaf ay si hoose isula socdaan, hase yeeshee wuxuu ku baaqay “in dowladda dhexe ay joojiso qaadashada doorka Galmudug ee uusan u fasixin dastuurka”.

“Dadka reer Galmudug waa dad soo jireen ah, waxay qeyb ka qaateen xorriyaddii dalka, waxay aasaas u yihiin midnimada Soomaaliyeed, waa dad Soomaaliya xuddun u ah, intaas iyo ka badan ayey ku filan yihiin, marka waxaan rajeynayaa in howlaha galmudug loo daayo dadka reer Galmudug”, ayuu yiri Deni.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here