Home Wararka Caalamka Shiinaha oo jawaabtii ugu adkayd ka bixiyay hadal uu yiri Joe Biden

Shiinaha oo jawaabtii ugu adkayd ka bixiyay hadal uu yiri Joe Biden

0

Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabtii ugu adkayd abid.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay ay “Ka adkaan doonaan isku day kasta” oo lagu raadinayo madaxbannaanida Taiwan.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Shiinaha, Janaraal Wei Feng, ayaa sidoo kale isbuucan Mareykanka ku eedeeyay inuu dagaal ka riixayo rabitaanka madaxbannaanida jasiiraddaas, isagoo sheegay in Mareykanku “uu jebiyay ballantii uu u qaaday arrimaha Taiwan” uuna “soo farogelinayo” arrimaha Shiinaha.

“Aan caddeeyo warkayga, haddii cid kasta ay isku daydo in ay Taiwan ka goyso Shiinaha, kama labolabayn doonno inaan qaadno dagaal,” ayuu yiri Janaraal Wei Fenge, oo ka hadlayay shirka amniga Aasiya oo ka dhacay waddanka Singapore.

“Waxaan geli doonnaa dagaal uu wax kasta ku baxo, waxaana dagaallami doonnaa ilaa dhammaadka, taasi waa waddada kaliya ee u furan Shiinaha,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Muxuu ahaa hadalka Biden?

Hadallada adag ee kasoo baxay wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha ayaa daba socday farriin uu dhawaan madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, u diray Shiinaha, taasoo uu ugu sheegayay inay “khatar ku ciyaarayso” maadaama ay diyaaradaheeda dagaalka ku duulinayso hawada u dhow Taiwan.

Biden ayaa xilligaas wacad ku maray in Mareykanku uu jasiiraddan militeri ahaan u difaaci doono haddii lasoo weeraro.

Some of Mr. Biden's recent remarks about Taiwan are seen as a clear change in the tone of US policy

Shiinaha ayaa sheegta inuu leeyahay Taiwan, balse Taiwan ayaa isu aragta dowlad madax bannaan.

Sidoo kale maamulka Taiwan ayaa Mareykanka u arka xulafadooda ugu wayn, halka Washington ay leedahay sharci dhigaya in Mareykanku uu garab istaago jasiiraddan si ay u isu difaacdo.

Xaaladda ayaa sii xumaatay kaddib markii Shiinaha uu billaabay inuu si joogto ah diwaaradihiisa dagaalka ugu diro hawada Taiwan – waxayna diyaaradahaasi duullimaadyadoodii ugu badnaa sameeyeen sanadkii lasoo dhaafay.

Maraakiibta dagaalka ee Mareykanka ayaa ku sugan biyaha Taiwan, iyagoo diyaar u ah inay jawaab ka bixiyaan tallaabo kasta oo militeri.

Ad
Previous articleWaa kuma Xamsa Cabdi, Ra’iisal wasaaraha la magacaabay ee Soomaaliya?
Next articleXamse Cabdi Barre: Siduu u wajihi doonaa arrimahan xasaasiga ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here