Home galmudug Faahfaahin Taliyihii Ciidanka Dhulka oo ka badbaaday Qaraxa Gaalkacyo

Faahfaahin Taliyihii Ciidanka Dhulka oo ka badbaaday Qaraxa Gaalkacyo

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan Qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo gaar ahaan qeybta Galmudug.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa ayaa lagu weeraray Hoteel uu daganaa Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir iyo Taliyaha ciidanka qeybta 21 aad Cabdicasiis Qooje.

Hoteelka ayaa la lagu magacaabaa Golobal waxaana uu ku yaala koofurta magaalada Galkacyo.

Labada taliye ayaa ka badbaaday weerarka waxaana waxyeelo ay soo gaartay Askar iyo dad Shacab ah oo ku sugnaa goobta uu Qaraxu ka dhacay.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa la sheegayay in ay ka ag dhawaayeen Haween qaad iibiya, lama oga illaa iyo hadda waxyeelada gaartay inta ay la egtahay.

Dhaawacyo kala duwan ayaa la geeyay Isbitaalada Gaalkacyo.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here