Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay Buulaburde iyo Askar ku dhimatay

Qarax ka dhacay Buulaburde iyo Askar ku dhimatay

0

Qarax ayaa dhacay Barkontarool oo ku taala Degmada Buula-burde ee Gobalka Hiiraan, waxaana Qaraxu ka dhacay Agagaarka Xero ay deganyihiin Ciidamada Jabuuti.

ilo wareedyo ku sugan Buulaburde ayaa sheegaya in Qaraxa ay ku dhinteen 3 askari oo ka Tirsan Milateriga Soomaaliya waxaana dhaawac soo gaaray 2 askari.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lagu aasay Barkontarool oo Laga hubiyo gaadiidka gala Magaalada waxaana Lagu magacaabaa Cigaal, waana dhanka bari ee Magaalada Buulaburde ay ka gasho Wadada Xamar ka timaada

Askarta dhimatay allaha unaxariistee waxaa la sheegayaa inay ka tirsanyihiin ururka 41aad ee Qeybta 27aad, Goobta Qaraxaan uu ka dhacayna Dhowr jeer ayay ka dhaceen Qaraxyo nuucaan ah sida ay sheegeen Saraakiil ka Tirsan XDS

Ad
Previous articleDagaalka Afdheer oo galay Maalintiisii afaraad.
Next articleMadaxweynaha Soomaaliya Oo Maantay Markale Safar Dibada ah Ubaxaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here