Home galmudug (War hada ah) Weerar Dad Lagu Dilay Oo Caawa ka dhacay Deegaanada...

(War hada ah) Weerar Dad Lagu Dilay Oo Caawa ka dhacay Deegaanada Tuula Qorax iyo Laan-waaley Ee Bariga Gobolka Mudug

0

Inta la xaqiijiyay 1-Qof Oo Xoolo dhaqato Reer Galmudug ah ayaa dhimatay Halka 1-kalana ku dhaawacmay kadib markii Dabley Hubeysani ay weerar Ku Qaadeen Miyiga Deegaanka Tuula-Qorax Oo dhacda Galbeedka Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug.

“Dabley Ku Hubeysan Hubka Fudud Ayaa Caawa Fiidkii Soo weerar Qoysaska Xoolo dhaqatada ah Ee Miyiga Tuulo-qorax 1-nin oo ka mid ahaa dadka Xoolo dhaqatada ah ayaa dhintay sidoo kale mid kale ayaa dhaawac ah,

Sidaasi oo Kale weerar kale ayaa ka dhacay aaga Deegaanka laa-waaley dableyda weerarada labada ah Gaystay waxaan la’aaminsan-yahay iney kasoo jeedaan Maamulka Waqooyiga Mudug Ee Puntland” Sidaasi waxaa Mudug24 U shegay Mid ka mid ah dadka Deegaanka Tuula-Qorax Galbeedka Gobolka Mudug Ee Galmudug.

Lasoco wixii soo kordha

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here