Home galmudug Puntland oo Galmudug ku eedeesay Xiisada Dagaal ee ka jirta Gobolka Mudug

Puntland oo Galmudug ku eedeesay Xiisada Dagaal ee ka jirta Gobolka Mudug

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa marka hore waxaa uu baaq nabadeed u direy dagaalka deegaano hoostaga degmada Towfiiq ee Gobolka Mudug ku dhex-maraya labada maleeshiyo Beeleed.

Wasiirka waxaa uu sheegay in dagaalkaas hurintiisa ay qeyb ka yihiin Maamulka Galmudug, isla markaana mid kamid ah Beelaha dagaalamaya ay u soo direen Gaadiid dagaal.

Isaga oo Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Garoowe Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ayuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maamulo deris ah ay dadkooda xilligaan isku laayaan Aargoosi qabiil.

Si kastaba Galmudug dhankeeda ayaanan weli ka hadlin dagaalka Maanta markale ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug,waxaana la sheegay in dagaalkii Maanta ay ku dhinteen dad ka badan 20 Ruux.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here