Home wararka Dalka Sheekh Bashiir Axmed oo sheegay in la aqbali karo cudurdaarka uu bixiyay...

Sheekh Bashiir Axmed oo sheegay in la aqbali karo cudurdaarka uu bixiyay Cabdiraxmaan C/shakuur

0

Guddoomiyaha Dallada culumaa’udiinka Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa sheegay in shaqsi ahaan uu aqbalayo cudur daar uu sheegay inuu bixiyay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo la hadlayey Siyaasiga CC-Shakuur ayaa yiri”Haddii aad soo duubtay Clip aad leedahay Khalad baa dhacay anigu intaad ku hadashay iyo cudurdaarkaaga ku saabsan wixii aad ku hadashay ka sheekh Bashiir ahaan wuxuu ilayahay mid la aqbali karo waan ku faraxsanahay inuu qofku khaladkiisa garto waana soo dhaweynayaa”

Guddoomiyaha Dallada Culumaa’udiinka Sheekh Bashiir ayaa sheegay in hadalada ka soo yeeray culumaa’udiinka uusan ahayn kuwo aargudasho ah balse ay yihiin kuwo lagu difaacayo diinta Islaamka.

“Annaga markaan mowduucaan ka hadlaynay maahayn wax aan uga aargudaneynay,annaga dhawr jeer oo hore intaasoo aflagaadda ah oo dhibaatooyin ah ayuu culimada u geysan-jiray mana ka hadlin jirin mana isdifaacin jirin,marka nagu waxaan u joogno waa ilaalinta iyo difaaca diinta”ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Hadal uu dhowaan ka jeediyay dalka Jarmalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa ka carooday qaar ka mid ah culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

Halkan ka daawo Sheekh Bashiir oo ka hadlaya cudurdaarka uu bixiyay Cabdiraxmaan Cabdishakur.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here