Home Wararka Maanta Kaluumaysatada Laamu oo sheegay in Ay ka sii kaluumaysan doonaan Badda Somaliya

Kaluumaysatada Laamu oo sheegay in Ay ka sii kaluumaysan doonaan Badda Somaliya

0

Kalluumeysatada gobolka Xeebta ee Lamu ayaa sheegaya in aysan jirin wax ka hor istaagaya in ay ka kalluumeystaan biyaha lagu muransanaa ee Maxkamadda ICJ u xukuntay Soomaaliya.

Lamu oo ay ku nool yihiin in ka badan 7,000 kalluumeysato ah oo noloshoodu ay si toos ah ugu tiirsan tahay kalluumeysiga, ayaa inta badan waxay ka kalluumaytaan dhul baddeedka lagu muransanaa ee ku teedsan soohdinta Kenya iyo Soomaaliya.

Bishii Oktoobar 12-keedii, maxkamadda ugu sarreysa ee Qaramada Midoobey ayaa u xukuntay Soomaaliya dhulka baddeedkaas, inkastoo go’aankaas ay Kenya gebi ahaanba diidday, iyadoo ku eedeysay ICJ inay ka eexatay.

Af -hayeenka kalluumeysatada Lamu Maxamed Somo ayaa sheegay in dadaalladoodii ahaa ka guulaysiga dacwadda lagu soo oogay Kenya, ay noqdeen kuwo aan waxba tarin.

“Waxaan ku sii hayn doonaa kalluumeysiga meeshii aan ka kalluumeysan jirnay, maxaa yeelay ICJ waxay sameysay go’aan aan xog badan lahayn. Way iska caddahay inaysan doonayn inay ka fiirsadaan waxa nagu dhacaya, ”ayay yiri Somo.

Madaxweynaha Kenya ayaa dhawaan ka hor yimid xukunkii xukunkii ICJ. Isagoo ku tilmaamay xukun aan caddaalad ahayn oo horseedaya in labada dal uu xiriirkoodu sii xumaado.

Ad
Previous articleBaarlamaanka Jaamacada Carabta oo ka hadlay Guushii Somaliya ee muranka badda
Next articleHay”Adda Hormuud Foundation oo Dhaqaale ugu Deeqday dadka Abaaruhu Saameeyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here