Home puntland Gaalkacyo oo lagu dilay Taliyaha Nabad Sugida Puntland ee Gobolka Mudug

Gaalkacyo oo lagu dilay Taliyaha Nabad Sugida Puntland ee Gobolka Mudug

0

Taliyihii Nabad-sugida gobolka Mudug ee Maamulka Puntland ayaa  lagu dilay woqoayiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka.

Dilka Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) ayaa ka dhacay Xaafad lagu Magacaabo Suuq Barwaaqo oo uu ku sugnaa, waxaana weerar ku soo qaaday dabley bastoolado ku hubeysan oo rasaas ku furtay.

Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) ayaa markiiba goobta ku naf waayey sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, waxaana meydkiisa qaaday ciidamada amaanka Puntland oo wax yar ka dib gaaray halka falku ka dhacay.

Dableyda weerarkan fulisay ayey u suuragashay iney baxsadaan, waxaana masuuliyada dilkan loo geystay Col. Aadan Xaashi Cilmi (Farey) sheegatay kooxda Al-shabaab.

Maamulka Puntland ee Magaalada Gaalkacyo iyo Hay’adaha Amniga Ayaan ka hadlin weli dilka loo geystay taliyihii nabadsugida iyo sirdoonka gobolka Mudug ee Maamulkaas.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here