Home Wararka Somaliya Amaanka Caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug oo la adkeeyay

Amaanka Caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug oo la adkeeyay

0

Waxaa aad loo adkeeyay amniga magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad goboleedka Galmudug, halkaas oo la filayo in uu ka furmo shir u dhaxeeya  Madaxda dowladda Soomaaliya, dowlad goboleedyada & gobolka Banaadir.

Shirka oo uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa looga arrinsanayaa arrimo doorashooyinka dalka oo weli uu muran ka taagan yahay iyo sidii xal looga gaari lahaa.

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi laga dareemayo u diyaar garoowga shirka, isla markaana wadooyinka qaar iyo Xarumaha maamulka lagu arkayo ciidamo ka tirsan dowladda & kuwa Galmudug oo amniga xaqiijinaya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen inay u diyaar garoobeen marti-gelinta shirka, iyada oo mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Warfaafinta galmudug Axmed Shire Falagle oo ku sugnaa Muqdisho ay dib ugu laabteen Magaalada Dhuusamareeb.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ay gaaraan wufuud ka kala socda dowladda Soomaaliya iyo dowlad Goboleedyada, kuwaaas oo horudhac u ah Madaxda sare ee dowladda & dowlad Goboleedyada ee shirka ka qeyb-galaya.

Ad
Previous articleC/Raxmaan Cabdi Shakuur oo ka hadlay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee Maamul Goboleedyada
Next articleMaxaa kala Socotaa Ujeedka Madaxweyne Farmaajo uu ka leeyahay Shirka Dhuusomareeb uu uga dhawaaqay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here