Home Wararka Maanta Toogasho Dad Badan ku Dhinteen oo ka dhacday xaflad aroos ah oo...

Toogasho Dad Badan ku Dhinteen oo ka dhacday xaflad aroos ah oo ka socotay duleedka Afgooye

0

Faahfaah dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa toogasho sababtay dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacday goob ay ka socotay xaflad aroos ah oo ku taalla duleedka magaalada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysanaa ay rasaas ku fureen dadweyne ku sugnaa guri uu aroos ka jiray oo ku yaalla tuulada Cadayleey oo hoostagta  degaanka Buulalow.

Inta la xaqiijiyey waxaa dhacdadaasi ku dhintay ugu yaraan illaa shan qof, halka ay ku dhaawacmeen sagaal kale, kuwaas  oo la geeyey isbitaalka guud ee degmada Afgooye.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda weerarka fulisay ay goobta isaga baxsatay, mana cadda illaa iyo hadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dhacdadaasi.

Sidoo kale waxa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo ka bilaabay agagaarka degmada Afgooye, ayaga oo baadi goobayo raggii ka dambeeyey falkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdaas iyo howlgallada socda.

Dhacdadaan ayaa la yaaab ku noqotay dadka deegaanka, ayada oo xafladdii arooskana ay isku bedeshay goob murugo ah, maadaama ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan Afgooye iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal amni darro ah iyo weeraro ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo weli ku xoggan Shabeelaha Hoose.

Si kastaba, dhowaan ayey aheyd markii nin hubeysnaa uu sidaan oo kale rasaaseeyey dad ku sugnaa guri uu ka jiray aroos oo ku yaalla deegaanka Qoolaali oo hoostaga magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

 

Ad
Previous articleIlhaan Cumar oo markale Wacdara Ka Dhigtay doorashada Mareykanka
Next articleDagaal xoogan oo ka dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here