Home Wararka Maanta Madaxda Galmudug oo Wali ku sugan Hobyo iyo Shirka Golaha Wasiirada Oo...

Madaxda Galmudug oo Wali ku sugan Hobyo iyo Shirka Golaha Wasiirada Oo lagu Qabtay Hobyo(Sawiro)

0

Madaxweynaha Galmudug Mudane Qoor Qoor iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Wali ku Sugan Magaalada Xeebeedka hobyobTaas oo Maalin ka Hor laga Daahfuray Dhismaha Dakada Hobyo Taas oo ay Maalgalinyaan Ganacsato Kasoo Jeeda Galmudug.

Dhanka kale Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka golaha wasiirrada kana dhacay degmada Hobyo.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin ku saabsan amniga deegaannada Galmudug looga dhageystay wasiirka wasaaradda amniga.

Sidoo kale ; kulanka waxaa warbixin ku saabsan hishiiska Dowladda Galmudug iyo Shirkadda Maalgashiga Dekadda Hobyo laga dhageystay Wasiirka Dekadaha. Kaddib dood dheer golaha ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hishiiskaas.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa sharci muhiim ah loogu ansixiyay Wasaraadda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Galmudug.

Ad
Previous articleDal Soomali badan ay niyadda ku hayaan inay u safraan oo kuwii ku noolaa ka cararayaan
Next articleSidee ayuu Xabsiga Kaga Baxsaday Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh ee Shilka Ku Dilay Muwaadin U Dhashay Dalka Turkiga?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here