Home Wararka Somaliya War deg deg Ah:- Dabley hubaysan oo Caawa weerar qaraxyo ku bilowday...

War deg deg Ah:- Dabley hubaysan oo Caawa weerar qaraxyo ku bilowday la beegsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso

0

Dabley hubaysan ayaa Caawa weerar qaraxyo ku bilowday la beegsaday xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso, sida ay Mudug24 News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga Gobolka Bari.

Dagaal xooggan oo laba dhinac ah, ayaa haatan ka socda xabsiga weyn, waxaana bannaanka xabsiga ka soo dhacaya duqeyn hoobiyaal ah, sida ay sheegeen saraakiisha Amniga.

Cutubyo kala duwan oo ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa goobta gaaray, waxaana saraakiishu tilmaameen in kooxda weerarka soo qaadday ay go’doon ku jiraan, islamarkaana aysan ku guulaysan in ay xabsiga la wareegaan.

Khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh, ayaa laga soo sheegayaa goobta, balse lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah maadaama dagaalkaas weli socdo.

Ad
Previous articleSawiro:- Duqa Degmada Gaalkacyo Abdirahman Sheikh Hassan iyo Wasiiro Booqday Isbitaalka Gaalkacyo
Next articleShirkii Musharaxiinta iyo Xukuumada oo xalay Lagu kala tegay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here