Home Wararka Maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah la qaatay Xildhibaano laga...

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan Xasaasi ah la qaatay Xildhibaano laga soo doortay KG iyo Jubbaland (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo uu weheliyo guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdullahi Cumar Abshirow, ayaa xalay casho sharaf u sameeyay xildhibaanada degaan doorashadoodu tahay dowlad goboleedyada Koonfur galbeed iyo Jubaland .

Kullankan u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa looga hadlay labo qodob oo kala ah,

1- Abaaraha iyo sidii Xildhibaanada gacan uga gaysan lahaayeen

2- Midnimo iyo isku xirnaasho Xildhibaanada ka soo jeeda deegaanadaas

Warar kale aan helnay ayaa sheegaya in Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay xildhibaanadan sidii ay u meel marin lahaayeeb golaha wasiirada la filayo in Ra’isul Wasaare Xamse Barre soo magacaabo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha ayaa guddi ka kooban shan xubnood u xil saaray in ay ka shaqeeyaan sidii wax loogu qaban lahaa gurmadka Abaaraha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland

 

Ad
Previous articleDowlada Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay ula Dagaalaan Al Shabaab
Next articleTurkiga Oo Sagaal Qof Oo Dalxiisayaal Ah Ku Dilay Dalka Ciraaq Iyo Xiisad Ka Dhalatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here