Home Wararka Somaliya Maamulka Puntland oo amaro cusub ku soo rogay Masaajida

Maamulka Puntland oo amaro cusub ku soo rogay Masaajida

0

Wasiirka caafimaadka  dowlad Goboleedka Puntland oo ku sugan magaalada Qardho ayaa Masaajidda faray in la raaco habraacyadii Wasaaradda Caafimaadka Maamulka  Puntland ay horay u soo saartay.

Wasiirka ayaa maamulada masaajidda faray, in la raaco habraacyadii ay Wasaaradda Caafimaadku soo saartay ee la xiriira ka hortagga Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 maadaama degaannada maamulkaas uu cudurka kusii faafayo.

Wasiir Jaamac Farax ooayaa sidoo kale sheegay in muhiim ay tahay in la qaato talaalka oo laga heli karo xarumaha caafimaadka ee Qardho si looga hortaggo faafidda xanuunkaan oo ah mid aan dawo loo hayn.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka wasaarad ahaan ay sii wadi-doonaan wacyi-gelinta bulshada si looga hortago faaisla markaana  talaabooyin dheeri ah ay dawladu qaadi doonto.

Degaannada Puntland ayaa waxaa aad ugu fafay cudurka CVID-19, waxana la sheegay in dad frarabadan ay Cudurka ugu dhinten Isbitaallada ku yaal Magaalooyinka Puntland halka qaar badan oo kale ay la jiifaan oo xaaladooda lala tacaalayo.

Ad
Previous articleQaabka uu u dhacay dilkii gudoomiyihii degmada Hodan oo la soo bandhigay
Next articleTaliyihii Waaberi oo Sharaxaya sida Loo dilay Gudoomiyihii Hodan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here