Home Wararka Somaliya Sawiro: Xaafada Ka Tirsan Gaalkacyo oo laga sameeyay Hawlgalo kala Duwan

Sawiro: Xaafada Ka Tirsan Gaalkacyo oo laga sameeyay Hawlgalo kala Duwan

0

Ciidamada Booliska iyo kuwa daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen Wadooyinka qaar ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Howlgalka ayaa waxaa hogggaaminayay Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng Maxamud Cabdinuur Aaden , ku Simaha Taliska qaybta Booliska Gobalka Mudug, Taliyeyasha Saldhigyada magaalada Gaalkacyo, iyo Taliyaha hawlgelinta Booliska Gobalka Mudug.

Ciidamada howlgalka sameeyay ayaa roondo ku maray wadooyinka Gaalkacyo, waxaana howlgalkooda uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay iyo uruurinta dakhliga Degmada,waxaana mas’uuliyiinta ay kula dardaarmeen Ciidamada in ay muujiyaan taxadir dheeraad ah una dhimriyaan bulshada mudada ay ku jiraan sugida amniga iyo dakhli uruurinta.

Hawlgalka ay Ciidamada ka sameeyeen Gaalkacyo ayaa lagu go’aamiyey shirkii joogtada ahaa ee guddiga amniga ee Degmada Gaalkacyo.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo Gudoomiyihii hore ee Garoowe u Magacaabay Gudoomiyaha kismaayo
Next articleGolaha Wasiirrada Somaliya oo ansixiyey miisaaniyadda sanadka 2022

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here