Home Wararka Maanta Kim Jong Un oo ku amray milatariga dalkiisa in ay u diyaar...

Kim Jong Un oo ku amray milatariga dalkiisa in ay u diyaar garoobaan dagaal Nukliyeer ah

0

Kuuriyada Waqooyi ayaa wacad ku martay inay hawada sare u diri doonto saddex dayax-gacmeed oo cusub oo basaas ah, isla markaana ay dhisi doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka, oo ay sare u qaadi doonto hubkeeda Nukliyeerka sanadka 2024-ka, iyadoo hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong-un uu sheegay in siyaasadda Mareykanku ay horseedayso gadaal lama huraan ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu Axadda maanta. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sidaas sheegtay.

Kim waxa uu Washington ku weeraray hadal dheer oo uu ku soo xidhayay shan maalmood oo shirar xisbiga talada haya lahaayeen, kaas oo lagu dejiyay yoolalka dhaqaalaha, milatariga iyo siyaasadda dibadda ee sannadka soo socda.

“Sababtu waxay tahay dhaq-dhaqaaqyo aan ka fiirsasho lahayn oo cadowgu nagu soo qaaday, waa guul-darro in dagaal uu xilli kasta ka dhici karo gacanka Kuuriya,” ayuu yiri, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KCNA.

Waxa uu ku amray milatariga inay isu diyaariyaan “in lagu nabadeeyo dhammaan dhulka Kuuriyada Koonfureed,” bambooyinka nukliyeerka haddii loo baahdo, si looga jawaabo weerar kasta.

Khudbadda Kim ayaa ku soo beegantay sannad ka hor xilli ay doorashooyin muhiim ah ka dhici doonaan Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka.

Ad
Previous articleDeni oo ka horyimid bayaankii ka soo baxay isimada dhaqanka Puntland
Next articleATMIS oo soo bandhigtay yoolalkeeda sannadka cusub ka hor inta aysan ka bixin Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here