Home Wararka Maanta Xog ku saabsan kulanka aan la shaacin ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo...

Xog ku saabsan kulanka aan la shaacin ee dhexmaray Xasan Sheekh iyo Laftagareen

0

Shir aan la shaacin ayaa habeen hore wuxu Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen.

Warbaahinta looma soo bandhigin kulanka labada nin iyo waxyaabaha looga hadlay, balse illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo hirgalin lahaa qodobada ku jiray heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ee la gaaray May 2023.

Qodobada sida gaarka ah diiradda loo saaray waxa kamid ah kuwa saameynaya dastuurka kmg ah ee Soomaaliya oo ay kamid yihiin u guuridda nidaamka madaxtooyo ee meesha ka saaraya jagada ra’isul wasaaraha iyo in dalku yeesho labo xisbi oo kaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ol’ole weyn ugu jira sidii Barlamaanka Soomaaliya u dhaqan galin lahaa qodobada wax ka badalka dastuurka ee ku jiray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay bishii may ee sanad kan 2023.

Madaxweyna Laftagreen oo ka duulaya kulanka uu Madaxwene Xasan Sheekh la yeeshay ayaa Baydhabo isugu yeeray xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed si uu ugu qanciyo in ay taageeraan qodobada wax ka badalka dastuurka.

Shirka Laftagareen iyo xildhibaannada ayaa la filayaa in uu beri ka dhaco Baydhabo.

Lama oga inta ay la egtahay taageerada uu Laftagareen uga heli doono ol’olihiisa uu doonayo in xildhibaannadu ku taageeraan wax ka badalka qodobo kamid ah dastuurka kmg ah.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Xiisad Culus oo maantay Ka Taagan Garowe iyo Ciidamo badan oo soo buux dhaafiyay garoowe
Next articleShir Xasaasi ah oo looga Hadlaayo Doorashooyinka Soomaaliya oo Maantay Muqdisho ka Furmay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here