Home Wararka Maanta Faahfaahin Dheere ah oo Kaso Baxaysa Dilka Loo Gaystay Cabdiraxmaan Cali oo...

Faahfaahin Dheere ah oo Kaso Baxaysa Dilka Loo Gaystay Cabdiraxmaan Cali oo Muqdisho lagu Dilay

0

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa caawa xaafada Towfiiq ee degmada Yaqshiid ku dilay nin dhallinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana falkan dilka ah aad uga naxay dadkii aadka u yaqaanay marxuumka.

Gooboojagyaal ayaa ku waramay in kooxaha hubeesan ay toogteen Cabdiraxmaan Cali Maxamuud xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday, waxaana dilka kaddib goobta isaga tagay ragii dilka geestay.

Ciidamo katirsan booliiska iyo nabad sugida ka howlgala degmada Yaqshiid ayaa dilka kaddib soo gaaray halka uu ka dhacay, lamana sheegin cid ciidamada usoo qabteen falkan dilka ah ee caawa dhacay.

Ninkan dhallinyarada ah ee caawa lagu dilay  Muqdisho ayaa kamid ahaa ardayda kuliyadda beeraha ee Jaamacadda Umadda ka baxay , waxa ayna eheladiisa iyo asxaabtiisa sheegeen in uu ahaa nin fir fircoon oon wax shaqo ah ku laheyn siyaasad iyo arrimo dowladeed.

Dilka ayaa caawa dhacaya xilli ammaanka magaalada Muqdisho lagu wareejiyay ciidamo cusub oo ah booliis sida milatari u tababaran, ciidankan ayaana ka howl bilaabay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo eedayn Culus u jeedisay Gerenal Morgan
Next articleDalka Ghana oo noqday Dalkii Ugu Horeeyey ee Caalmaka oo ansixisay tallaalka cusub ee cudurka Malariyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here