Home Wararka Maanta Shirka Golaha Wadaashiga Qaran oo Maantay lasoo gabgabaynaayo iyo wararkii ugu dambeeyey

Shirka Golaha Wadaashiga Qaran oo Maantay lasoo gabgabaynaayo iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo uu daah-furay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galay maalintiisii labaad, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo wada-shaqeynta labada dhinac.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galaya  Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre, Madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, HirShabelle MD Cali Guudlaawe Xuseen.

Sidoo kale madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Deni ayaa isagu kaga qeyb-galay shirka maanta aaladda fogaan aragga, ayada maqnaashihiisa ay abuureyso tuhuno hor leh.

Intiisa badan waxaa shirkan diirada loogu saarayaa saddex qoodb oo kala ah; 1-Sugidda amniga dalka, 2- Wax ka qabashada saameynta abaaraha dalka ka jira 3-Iyo la dagaalanka argagixisada, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay soo saartay Villa Soomaaliya.

Sida ay ogaatay mudug24 madaxda labada dhinac ayaa xalay yeeshay shirar gaar gaar ah oo looga hadlayo dooda taagan iyo sidii xal loogu heli lahaa

Wararka ayaa sheegaya in shirka maanta la soo xirayo, ayada oo laga soo saarayo war murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wadahadlayaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo uu maalmihii u dambeeyey mad-madow soo kala

Ad
Previous articleAlshabaab oo Xoog ku Joojiyay laba Mashruuc oo Waawayn oo Dowladu Waday
Next articleTirada Al-Shabaab looga dilay kacdoonka Macislayda oo la Shaaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here