Home Wararka Caalamka Laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka oo ka jawaabtay Eed uga timid Barlamaanka Sweden

Laanta Socdaalka ee Migrationsverket-ka oo ka jawaabtay Eed uga timid Barlamaanka Sweden

0

Hay’ada Laanta Socdaalka Dalka Sweden ayaa ka jawaabtay eedeyn uga timid Gudiga Cadaalada Barlamaanka Sweden.

Gudiga Cadaalada Barlamaanka Sweden ayaa dhawaan laanta Socdaalka ku dhaliilay Qaabka ay wax uga qabato go’an ka gaarista Sharciga Deganaanshaha iyo bixinta Dhalashada.

Eeda Xoogeeda ayaana ku aadan in si gaabis ah ama luudid ah ay howshaasi u qabato iyadoo ugu baaqday inay wax ka qabato arintaasi.

Madaxda Heer Gobol ee Laanta Socdaalka Veronika Lindstrand Kant ayaa ka hadashey arintaasi iyadoo soo dhaweeshay eeda uga timid dhanka Barlamaanka qeybta Caadaalada.

Waxay sheegtay in loo baahanyahay in arinta laga eego dhinacyo badan madama ay kiisas badan ay go’an ka gaartay.

Veronika Lindstrand Kant ayaa sheegtay in kiisaska laanta socdaalka ay marba marka ka danbeysa ay sii badanayaan taasi oo keeneysa in kiisaska ay daahaan.

Hadalka Laanta Socdaalka ayaa ku soo aadaya iyadoo shalay Dowlada ay soo bandhigtay Qorshe baaritaan looga sameenayo Dadka heesta Deganaashaha ee sida qaldan ku helay si dib looga heshto.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Sverigeradio

 

Ad
Previous articleIlhaan Cumar Oo Marykanka Ka Dalbatay in La Cafiyo Askari kashifay sir la xiriirta Soomaaliya
Next articleAlshabaab oo Sabab layaab leh u Afduubtay Qoysas Fara adan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here