Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamadii Dowlada ee Qabsaday Galcad oo u jihaystay Deegaano kale oo Ka...

Ciidamadii Dowlada ee Qabsaday Galcad oo u jihaystay Deegaano kale oo Ka Tirsan Galmudug

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo shalay la wareegay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud ayaa kasii ruqaansaday degmadaasi, si ay u gaaraan deegaanada kale ee hoos yimaada oo ay haatan ku yihiin xoogaga Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay maanta dhaq dhaqaaqyo culus ka bilaabeen deegaanada Ceel Heele, Ceel Dhiig saar iyo kalabayr oo dhammaantood hoostaga Magaalada Galcad ee gobalka Galgaduud.

ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in ciidamada ay isku fidiyeen hareeraha deegaanadaas oo ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada dowladda oo ka hadlay howlgalladaas ayaa shaaca ka qaaday in ujeedkooda uu yahay in halkaasi laga saaro Al-Shabaab, lagana hortago weeraro ay soo qaadaan.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladan ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Galcad oo ah magaallo muhiim ah ayaa waxaa shalay subax la wareegay ciidamada Danab iyo GorGor, kadib markii ay ku qaadeen weerar dhowr jiho ah.

Degmada Galcad ayaa waxaa todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Al-Shabaab oo la wareegay markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka isaga baxeen, waxaana hadda xaaladda Galcad ay tahay mid degan.

Dadkii deganaa degmada Galcad ayaa lagu soo waramaya inay badi isaga baxeen kadib markii ay ku amreen kooxda Al-Shabaab, waxaana hadda degmada gacanta ku haya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.

Galcad oo kamid ah degmooyinka muhiimka ah ee gobolka Galgaduud ayaa waxay ciidamada dowladda isaga baxeen horaantii sanadkaan kadib markii ay la wareegeen, markaas uu ka dhacay weerar qaraxyo ku billowday oo ay ku qaadeen Al-Shabaab, kaasi oo uu ku geeriyooday taliyihii ciidanka DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cismaan oo ku magac-dheera Xasan Tuure.

Ad
Previous articleWararkii ugu Danbeeyey Ciidamada Xooga oo Cagta Mariyay saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab(Sawiro)
Next articleJeneraal Odawaa oo tagay furumaha Dagaalka xilli howlgal cusub bilaabanayo (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here