Home Wararka Maanta Xulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey tartanka CECAFA...

Xulka Qaranka Somalia oo guul taariikhi ah ka soo hoyey tartanka CECAFA (Sawirro)

0

Xulka Qaranka Soomaaliya ee 18-jirada ayaa 3 iyo 0 uga badiyey xulka Qaranka Sudan kulan ka tirsan tartanka CECAFA U18.

Xulka Soomaaliya ayaa ciyaarta qeybteedii hore gool iyo waxba ku hogaamiyay. Waxaa hogaanka ciyaarta u dhiibay ciyaaryahan Idiris Maxamed Bilaal.

Kolkii la iskugu soo laabtay qeybtii dambe ee ciyaarta waxaa awooda ciyaarta iyo hogaankeedaba sii watay xulka Qaranka Soomaaliya, iyadoo la yimid labo gool hor leh,waxaana shabaqa soo taabtay ciyaaryahanada kala ah Mahad Shiine iyo Maxamed Gaabow.

Soomaaliya ayaa sidaas sadex dhibcood kaga qaadatay xulka Sudan, waxa ayna kaalinta 2-aad ka gashay kala saraynta group A ,halka hogamiyayasha group ay yihiin xulka Kenya oo goor hore u gudbay wareega xiga ee tartanka.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud wuxuu Hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa xulka Qarankeena  oo sadex gool iyo  waxba ( 3-0) kaga adkaaday xulka Qaranka Sudan.

Ad
Previous articleAlshabaab oo Amar ku Xiray Ganacsiyadii Degmada Dharkeenleey
Next articleDeni oo Shaaciyay waxa ay isku haystaan Puntland iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya ee ay ku kala tageen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here