Home Wararka Somaliya War Deg Deg Ah: Maxkamada ICJ oo ku dhawaaqay go’anka Cida iska...

War Deg Deg Ah: Maxkamada ICJ oo ku dhawaaqay go’anka Cida iska leh Badda u Dhaxeysa Somaliya iyo Kenya

0

Maxkamadda Cadaalada Adduunka ee ICJ ayaa diiday doodda ugu weyn ee Kenya oo aheyd inuu jiro xaduud u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Maxkamada ayaa sheegtay in Kenya ay ku xad gudubtay madaxbanaanida Soomaaliya xaqna aysan u lahayn in bada Soomaaliya ku xadgudubto ayna jabiso xukunka maxkamada ka soo baxay .

Maxkamadda ICJ sidan ayey u calaameysay xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya. Sida ka muuqata sawirka hoose, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, hase yeeshee inyar ayaa sidoo kale laga reebay dhul-badeedkii ay sheegatay Soomaaliya, oo ka billaabata kadib 12 mile xariiqda tooska ah ee ku aadan xuduuddda dhulka.

Dad badan ayaa ku farxay go’aanka maxkamada islamarkaana loo arkayey in tani wax badan ay dib ucelisey hankii kenya ee badda Soomaaliya ku dooneysay inay qeyb ka mid ah qaadato.

Warbaahinta Kenya ayaa aad utebinayey wararka la xiriiray kiiska badda inkastoo weli aysan dawlada kenya ka hadlin go’aanka kasoo baxay maxkamada ICJ.

Hore Xukuumada Nairobi waxay maalmo ka hor usheegtay in aysan aqbali doonin wax kasta oo kasoo baxa maxkamada ICJ.

Ad
Previous articleDAAWO TOOS: Go’aanka Maxkamada ICJ ee dacwada badda ee Somalia iyo Kenya
Next articleMaamulka Galkacyo oo Amaro Culus Soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here