Home Wararka Caalamka Sweden oo Cadeesay Qaxootiga ay Mudnaanta siinayso ee Dalka imaanaya

Sweden oo Cadeesay Qaxootiga ay Mudnaanta siinayso ee Dalka imaanaya

0

Dowladda oo kaashaneysa xisbiga SD ayaa horraanta sanadka soo socda ka dhigi doonta tirada qaxootiga kootada mid aad uga yar tirada hore iyadoo taasi ay jirto Dowlada ayaa sheegtay in mudnaan ay siineyso dadka qaar.

“Waxaan mudnaanta siin doonaa haweenka iyo kooxaha nugul sida dadka LGBT,” ayay tiri wasiirka socdaalka Maria Malmer Sterngaard.

Tirada qaxoontiga kootada ah ayaa laga dhigay 5,000 oo qof sanadkii iyadoo la tixraacayo heshiiskii Tidö ee u dhaxeeyay dowladda iyo xisbiga Sverigedemokraterna. 

Wasiirka socdaalka ayaa carabka ku adkeeyay in Hay’adda Socdaalka ay hadda qaado “dhammaan tilaabooyinka lagama maarmaanka ah” si dib loogu jadwaleeyo shaqada, lana tixgeliyo shuruudaha cusub ee ay dejiyeen afarta dhinac ee wada shaqaynta la leh habka xulashada qaxootiga ee nidaamka kootada.

Wasiirku waxa uu u qaatay inay ku saabsan tahay qiimayn wanaagsan oo ku saabsan la qabsiga bulshada Sweden iyo qiyamka Swedishka. 

Qaxooti kooto ah waa qofka ka soo cararay dalkiisa oo ay u dooratay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga inuu u guuro waddan kale.  

Markii ay Sterngaard xilka la wareegtay, waxay ku sababaysay dhimista in Sweden ay qaadato qaxoonti badan oo kooto ah marka loo eego wadamada kale ee EU-da.

“Sidoo kale waa qayb ka mid ah isbeddelka ee aan rabno inaan ku aragno siyaasadda socdaalka, taas oo la xiriirta habeynta isdhexgalka iyo yareynta socdaalka si xooggan,” ayay tiri.

UNHCR ayaa walaac ka muujisay cawaaqib xumada ka dhalan karta hoos u dhaca ku yimid Sweden, waxayna tilmaamtay in baahi weyn oo caalami ah loo qabo dib u dajin, iyadoo xustay in nidaamka qoondaynta qaxootiga uu yahay hab ammaan ah oo la xakameyn karo oo lagu ilaalinayo dadka ka soo cararaya dagaalada.

Waxaa la sheegay in sanadka 2021, Sweden ay qaabishay 6,400 oo qaxooti ah iyadoo la raacayo nidaamka kootada.  

Ad
Previous articleDEG DEG: Dagaal Culus oo Ashabaab ku Qaadeen Deeganadii Galmudug dhawaan Kala Wareegeen
Next articleCiidamada dowlada oo sheegay iney 150 dagaalyahan ku dileen degaanka Ceel hareri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here