Home galmudug Shirka Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo Garoowe Lagu Wado in uu Ka...

Shirka Golaha iskaashiga Dowlad Gobaleedyada oo Garoowe Lagu Wado in uu Ka furmo

0

Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ayaa lagu wadaa in todobaadkan uu shir uga furmo magaalada Garowe, kaasoo ahaa mid horay loo qorsheeyay.

Shirka Garowe oo la filayay inuu dhaco 10-ka bishan ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacay, waxaana shirkan la sheegay in looga tashanayo aayaha dalka iyo xaalada uu dalku marayo.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxda maamul goboleedyada ee shirka ka qeyb galaya ay gelinka dambe ee maanta tagi doonaan Garowe.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ku sugan Gaalkacyo ayaa la filayaa in safar dhinaca dhulka ah ku tago magaalada Garowe.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa iyana diyaarad ku tagi doona Garowe.

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa la fileyn inuu ka qeyb galo shirkan, maadaama uu horay uga baxay go’aankii Maamul goboleedyada ku gaareen shirkii Kismaayo bishii hore ee September, kaasoo ay ku hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here