Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo Caawa Shir Deg Deg...

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Gobaleedyada oo Caawa Shir Deg Deg ah yeeshay

0

Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa caawa wada hadal dhanka qadka Zoom-ka ku yeeshay, iyadoo wada hadalkan uu ahaa kii u horreeyay kaddib saxiixii heshiiskii doorashada ee 27 May.

Ilo ku dhow dhow wada hadalka Mas’uuliyiinta ayaa sheegaya inay isku raaceen in Sabtida soo socota shir Muqdisho isugu imaan doonaan Golaha Wadatashiga Qaran oo ka kooban Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoominaha Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlayo dardar gelinta doorashada, iyadoo Guddiga farsamada uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ay hordhigi doonaan Golaha Wadatashiga Qorshayaasha doorashada

Sidoo kale waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu magacaabo Guddiga dib u heshiisiinta Heerka Wasiir ee afarta Dowlad Goboleed oo aan ku jirin Jubbaland, kuwaasoo Garbahaarey u tagaya xalinta arrinta Gedo.

Ad
Previous articleGuddiga u xil saaran farsamada Doorashada oo shaaciyay xilliga la xareenayo Guddiga Doorashada dalka
Next articleKoox Hubeysan oo Degmada Kaaraan ku dilay Haweenay Maamulka ka Tirsaneed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here