Home Wararka Maanta Lix Degmo oo Maka mid ah Degmooyinka Muqdishu oo Mar Qur ah...

Lix Degmo oo Maka mid ah Degmooyinka Muqdishu oo Mar Qur ah La Weeraray Xili Duhur ah iyo Ragii Weerar oo lasoo Qabtay

0

Sarkaal u hadlay ciidamada Booliska ayaa sheegay inay soo qabteen rag lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen weeraro lagu qaaday qaar ka mid ah saldhigyada booliska magaalada Muqdisho.

 

 

 

 

Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifatax Aadan Xasan ayaa saxaafada u sheegay in la soo qabtay illaa toddobo ruux oo loo haysto inay ka dambeeyeen weeraro loo adeegsaday bambaanooyin oo lagu qaaday Saldhigyada Boliiska Wadajir, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere.

Waxa uu afhayeenku sheegay in raggan la soo taagi doono cadaalada ayna socoto baaritaano la xiriira dambiyada ay galeen.

Wa arin Ku Cusub Magaalada Miqdishu in Maalin Cad la Weeraro saldhigyo ay Ku Suganyihiin Ciidamo waxaan Faraha Kasii Baxaya Amniga Magaalada Miqdisho Maalmihii U Danbeeyey.

Asbuucii lasoo Dhaafay ayay Alshabaab Weerareen Xili Habeen ah Degmooyin ka Tirsan Magaaalada Muqdisho Taas oo aan Mudo Sanada ah la arag Weeraro ka dhaca Muqdisho.

Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo oo si Kulul uga Hadlay Geerida Shiikh C.naasir oo kismaayo lagu Dilay
Next articleSarkaal sare oo Ka Tirsanaa Alshabaab iyo 60 kale oo la Dilay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here