Home Wararka Maanta Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay Sharciga Hay’adda NISA iyo Taliye Mahad...

Golaha Aqalka Sare oo meel mariyay Sharciga Hay’adda NISA iyo Taliye Mahad Salaad oo ka hadlay

0

Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda ayaa meel mariyay sharciga hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo la horgeeyay Aqalka Sare.

Sharcigan oo horey usoo meel mariyeen xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta senatarada Aqalka Sare dhankooda si aqlabiyad leh ku meel mariyeen, kaddib doodo ay maalmihii lasoo dhaafay ka lahaayeen.

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo goobjoog ka ahaa kulanka Aqalka Sare ayaa ansixinta kaddib u macadheliyya senatarada, waxa uuna sheegay in sharcigan muhiim u yahay dowladnimada iyo xasilloonida dalka.

Dhinaca kale taliyaha hay’adda Nabada Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Mahad Salaad ayaa dhankiisa si weyn usoo dhaweeyay meel marinta sharcigan, waxa uuna sheegay in sharcigan si weyn looga fiirsaday loona soo diyaariyay.

Mahad Salaad ayaana ballanqaaday in ay soo celin doonaan haybadii ay laheyd hay’adda NISA iyo kalsoonidii shacabka ku qabeen ee luntay,waxa uuna cadeeyay in hay’adu dhoori doonto sharciga iyo xaquuqda aadanaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu saxiixo sharcigan ay soo meel mariyeen xukuumadda iyo xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamanaka federaalka Soomaaliya.

Ad
Previous articleShuruuc adag oo lagu soo rogay dadka tahriibka ku galaya Mareykanka
Next articleWaxay isku calfan waayeen yaraantoodii balse 31 sano ka dib ayay si la yaab leh isku heleen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here