Home Wararka Maanta Beesha Sacad oo ku Baxay Dagaalkii Beelaha Cayr iyo Saleebaan oo Sababay...

Beesha Sacad oo ku Baxay Dagaalkii Beelaha Cayr iyo Saleebaan oo Sababay in Dhuusamareeb lagu kala guuro(Sawiro)

0

Waxaa galabtay Degmada Cadaado ka qabsoomay kulan ay isugu yimaadeen Salaadiinta, Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Dhallinyarada, ee Beelaha Sacad iyo Saleemaan, Xildhibaanno, iyo Maamulka Degmada.

Furitaankii Kulanka ayaa Wafdiga ka socday Beesha Sacad waxay sharrexeen ujeedada safarkooda oo ahaa Nabadeynta iyo dhexdhexaadinta beelaha walaalaha ah ee Cayr iyo ree Xaaji Saleemaan.

Odayaasha Beesha Sacad ayaa waxgaradka beeaha saleemaan oga tacsiyeeyay Ganacsatadii iyo dadkii kale ee ku dhintay dhacdooyinkii ugu dambeeyay, waxayna sidoo kale ku bogaadiyeen sida sharafta leh ee ay dhankooda isku xakameeyeen oo aysan jawaab oga bixin falalkii dhacay.

Dhankooda odayaasha iyo waxgaradka Beesha reer Xaaji saleemaan ayaa soo dhaweeyay wafdiga beesha Sacad ee isku soo xilqaamay inay qeyb ka noqdaan xallinta dhibaatada ka dhex dhacay beelaha walaalaha ah ee kasoo Kala jeeda Cayr iyo Saleemaan, waxayna ballan qaadeen in ay diyaar u yihiin Nabadeynta, ayna dhankooda is xakamaynayaan ilaa xal laga gaaro insha’Allah.

Wafdiga Beesha Sacad ee Nabadeynta ayaa la filayaa in ay usii gudbaan Degmada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug si ay ula kulmaan Waxgaradka iyo Odayaasha beesha Cayr, si loo sii adkeeyo Nabadda iyo wada noolaanshaha Bulshada.

kadib Dilkii Ganacsatada Beesha Saleebaan loogu Haystay Dhuusamareeb Waxaa Caasimada Galmudig isaga Tagay Guud ahaan Dhalinyaradii kasoo Jeeday Saleebaan kuwaas oo u Guuray Cadaado iyo Muqdisho.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Dagaal laisku Riiqmay oo Ka Dhacay Duleedka Xarardheere
Next articleDeni oo Dhagaha Ka Furaystay Talaabadii ay Shalay Qaadeen Golaha Wakiilada Punyland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here