Home wararka Dalka War Deg Deg ah Toogasho Goor dhaw ka dhacday Muqdisho

War Deg Deg ah Toogasho Goor dhaw ka dhacday Muqdisho

0

Wararka ka imaanaya degmada Dharkenley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in goordhow gudaha degmadaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ah.

Kooxo ku hubeysnaa bustoolado ayaa la sheegay in suuqyaraha degmadaas ay ku dileyn wiilka dhalinyarada ahaa,iyaga oo ka toogtay qeybaha sare ee jirka halkaasna uu ku geeriyooday sida ay dadka deegaanka inoo xaqiijiyeen.

Raggii ka dambeeyey dilka Wiilka dhalinyarada ah ayaa goobta ka baxsaday,waxana weli la cadeny waxa uu ahaa Shaqsiga lagu dilay suuqyaraha degmada dharkenley ee Gobalka Banaadir.

Maamulka degmada Dharkenley weli kama hadlin dilkaas,waxa uuna ku soo aadayaa xilli maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ka dhacayen dilal qorsheysan oo inta badan ay sheegteen Al-Shabaab.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here