Home wararka Dalka Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo Maanta Xiran (Sawiro)

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo Maanta Xiran (Sawiro)

0

Ganacsiga suuqa weyn ee bakaaraha ayaa maanta gabi ahaan xiran kadib markii ganacsatada gobolka banaadir ay shalay ku dhawaaqeen shaqo joojin suuqa ugu weyn soomalia ee bakaaraha.

Ganacsatada ayaa saakay ku kalahay suuqa balse dukaamada iyo goobaha ganacsiga ma aysan furin waxaadna suuqa ku arkeysa goob kastoo ganacsi waxaa hor fadhiya milkiilaha goobtaas ganacsi waxaana ay ii sheegeen in wax shaqo ah aysan suuqa ka jirin maanta.

Ganacsatadu ma aysan sheegin mudada ay qaadan doonto xirnaanshaha suuqa iyadoo weli ay taagantahay cabashada ay ganacsatada ka muujiyeen canshuur kordhinta wasaaradda maaliyadda ay dhawaan ku dhawaaqday.

Saameynta ugu weyn xirnaanshiyaha suuqa waxa uu ku yeeshay xoogsatada suuqa ka xamaalan jirtay ee nolol maalmeedka suuqa ka soo heli jirtay.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here