Home Wararka Maanta In ka badan 40 Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal KabTirsan Alshabaab oo lagu...

In ka badan 40 Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal KabTirsan Alshabaab oo lagu dilay howlgal ka dhacay Gobalka Shabeelaha Hoose.

0

Dowlada Soomaaliya ayaa Goordhow Baahisay Warsaxaafadeed Sidaan U Qornaa:

WAR SAXAAFADEED

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka NISA oo kaashanaysa Saaxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fulisay Gobalka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Beerta Faay Yuusuf oo u dhow Tuullada Yimbis, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday Maleeshiyaad gabbaad ka dhiganayay hawdka iyo geedaha ku yaala deegaankaas.

Howlgalkan oo socday xalay ilaa maanta ayaa waxyeello culus loogu gaystay Argagixisada Al-shabaab ee ku sugnayd goobtaas, waxaana inta la hubo halkaas lagu dilay Maleeshiyaad iyo Horjoogeyaal tiradoodu gaarayso 45, iyada oo dhulka lala simay Teendhooyin Argagixisada hoy u ahayd, halka ilaa iyo hadda lagu raad-joogo maleeshiyaad firxad ah.

Maleeshiyaadka iyo Horjoogeyaasha la khaarijiyay ayaa maleegayay weeraro ay ku qaadaan deegaanka Bariire ee Gobalka Shabeelaha Hoose, balse Sirdoonka Qaranka oo helay xogtooda ayaa ka hortagay dhagarta ay diyaarinayeen, taas oo ka dhigtay wax dhintay iyo wax cararay oo la baadi-goobayo firxadkooda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamiga ah waxaa ka go’an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta oo ay gabbaad ka dhigtaan, iyadoo haatanna Ciidanka Qaranka iyo dadka Soomaaliyeed ay dhul badan ka xoreeyeen Khawaarijta.

Ad
Previous articleWararkii Uga Danbeeyey Qarax Caawa ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Next articleMadaxweyne Xasan oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Xoghayaha Difaaca Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here