Home Wararka Somaliya Ciidamada XD ee ku sugan Galmudug oo dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay Gobalka Mudug

Ciidamada XD ee ku sugan Galmudug oo dhaqdhaqaaqyo ka bilaabay Gobalka Mudug

0

Ciidamada xoogga dalka qeybta 21 aad ayaa lagu soo waramayaa in dhaq dhaqaaq ciidan ka wadaan koofurta gobolka Mudug, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka.

Ciidamada ayaa fariisimo cusub ka sameystay degaanka Bajeele ee gobolka Mudug, iyadoo bulshada degaanadaas ku dhaqan kala hadleen ka wada shaqeynta amniga  iyo la dagaalanka Al-Shabaab oo marraka qaar Xubno ka tirsan ay tagaan degaankaas.

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee Gobolka Mudug ayaa Warbaahinta u shegay in ujeedka howlgalka uu yahay inay Al-Shabaab ka saaraan degaannada Gobolka Mudug, isla markaana ay adkeeyaan Amniga.

Degaan ka tirsan koofurta gobolka Mudug ayaa waxaa horay ugu dagaalamay Ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka degaanka iyo Al-Shabaab, waxaana Ciidamada ay howlgallada kula wareegeen degaano dhowr ah.

Ad
Previous articleMaxaa ku Soo Kordhay Saadaq Joon oo la wareegay Shirkoole
Next articleIsbedel Lagu sameeyay Taliyaasha saldhigyada Boliiska G/Banaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here