Home wararka Dalka Sawiro Maamulka Jubbland oo duleedka Kismaayo ku soo bandhigay Meydadka 13 Askari...

Sawiro Maamulka Jubbland oo duleedka Kismaayo ku soo bandhigay Meydadka 13 Askari oo Shabaab ka tirsan…

0

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in xalay dagaal xoogan ay ka qeyb qaateen diyaarado dagaal uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Qaam Qaam oo kuyaala Duleedka magaalada Kismaayo.

Dagaalka oo kasoo baxayaan warar kala duwan ayaa sheegaya ay ka qeyb qaateen Diyaarado dagaal ay leeyihiin Ciidamo Mareykanka ah oo ku sugan Kismaayo, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaaro xoogan oo labada dhinac soo gaaray.

Saraakiil katirsan maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka ay iyagu qaadeen kadib markii ay ka war heleen in Al Shabaab ay qorsheenayeen in ay weerar kusoo qaadaan saldhigyo ay leeyihiin ciidanka Maamulka Jubbaland iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Dagaalka ka dhacay Deegaanka Qaam Qaam waxaa ku dhintay in ka badan 20-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana maamulka Jubbaland guulo waa weyn ka sheegteen dagaalkaasi ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Jubbaland ayaa deegaanka lagu dagaalamay kusoo bandhigay meydadka 13-dagaal yahan oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay Qaam Qaam, waxaa sidoo kale Saraakiisha Jubbaland soo bandhigeen hub ay kusoo furteen dagaalkaasi.

Dagaalka ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa mid aad u xoogan, waxaana labada dhinac kasoo gaaray khasaaro badan oon wali si rasmi ah loo ogaan karin marka laga reebo guulo ay labada dhinac kala sheegteen.

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here