Home Wararka Somaliya Galmudug Dagaal Culus oo ka Dhacay Degaan ka Tirsan Galmudug oo iyo ...

Dagaal Culus oo ka Dhacay Degaan ka Tirsan Galmudug oo iyo Alshabaab laga Saaray Deegaano Hor leh

0

Faahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo ay maanta ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen xoogaga Shabaab oo ku yaalla agagaarka deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab oo ku yaalla tuulada Xaawo Gacal oo hoostegta deegaanka Budbud oo ay shalay la wareegeen ciidamada huwanta ee haatan howlgallada ka wada gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Warbaahinta dowladda ayaa shaacisay in weerarkan khasaare culus lagu gaarsiiyay Al-Shabaab, isla-markaana looga dilay 9 xubnood, kadibna la burburiyay fariisimo ay ku lahaayeen halkaasi.

“Ciidamada ayaa howlgalkaas qorsheysnaa ku dilay 9 ka tirsan Maleyshiyaadka Khawaarijta waxaana la burburiyay fariisimihii ay deegaankaas kaga sugnaayeen, iyadoo hadda wali la sii baacsanayo” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ay baahisay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in weli uu socdo howlgalka, isla-markaana ay faahfaahin guud ka bixin doonaan marka uu soo dhammaado.

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ee ku sugan Galmudug.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga darermayo qaybo badan oo ka mid ah gobolka Galgaduud.

Ad
Previous articlehaweeney god ku nooleyd shan boqol oo maalmood oo aan wax xiriir ah la yeelan bini’aadamka.
Next articleWaa kuma Janaraal Xamdan, ninka hoggaaminaya xoogagga RSF ee Sudaan Dagaalka Culus Kawada ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here