Home Wararka Maanta Dhaawacyo laga Keenay Magaalada laaasacaanood oo muqdisho laga Soo Dajiyay

Dhaawacyo laga Keenay Magaalada laaasacaanood oo muqdisho laga Soo Dajiyay

0

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta kasoo degtay diyaarad sidday qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaallada ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ka jawaabeysa dhibaatada ka taagan gudaha magaaladaas ayaa billowday gurmad u fidinta dadka ku waxyeeloobay dagaallada ka socdo halkaasi, waxayna dirtay diyaarado soo daabulo dadka qaba dhaawacyada halista ah.

Illaa sodomeeyo kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalllada Laascaanood ayaa la keenay magaalada Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhoweeyay xildhibaan & mas’uuliyiin kale.

Dhaawacyada oo loo diyaariyay gaadiidka gurmadka deg-dega ah ee Ambalaasta ayaa loo qaaday qaar kamid ah isbitaallada Muqdisho, si loogu dabiibo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda la keenayo dhaawacyo kale oo laga soo daabulayo magaalada Laascaanood oo ay weli ka taagan tahay xaalad murugsan.

Dowladda federaalka ayaa maalin kahor shaacisay mowqifkeeda, waxayna sheegtay isoo dhaweyneyso rabitaanka reer Laascaanood, ayna sidoo kale garab istaagi doonto.

Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xoogiisa uu ka socdo aagga xerada Qooja-cadde, waxaana rogaal celin sameeyay ciidanka Somaliland oo shalay dib loo riixay.

Xog ay heshay Mudug24 ayaa sheegeysa in afarta maalin ee dagaalka uu socdo ay ku dhinteen in ka badan 50 qof, ayada oo in ka badan 150 kale ay dhaawac yihiin, lagana cabsi qabo in khasaaraha uu intaas kasii bato, maadaama ay weli xabaddu sii dhaceyso.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo Goordhow Magacaabay Hanti Dhowraha Guud ee Qaran
Next articleCiidamada Booliska Soo Qabtay Rag Burcad ah oo Dhacgaysanaayay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here