Home Wararka Maanta Mareykanka oo Somalia u soo Magacaabay Safiir cusub oo ka awood badan...

Mareykanka oo Somalia u soo Magacaabay Safiir cusub oo ka awood badan kuwii hore

0

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Ambasador Richard H. Riley u magacaabay danjiraha Soomaaliya isagoo ku magacaaban Safiir aan caadi aheyn oo haysta awood buuxda oo uu ku matalo dawladda Mareykanka, kuna gaaro go’aamo iyo qaraaro deg deg ah.

Biden ayaa magacaabay 27-kii bishan afar safiir oo uu ku jiro Ambasador Richard H. Riley waxaana loo gudbiyey Aqalka Senatka.

Ambasador-kan cusub ayaa darajo sare ka gaaray siyaasadda Arrimaha dibada Mareykanka Riley ayaa haysta awood buuxda oo kumatalo danaha Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana uu kasoo shaqeeyey meelo ay ka mid yihiin

  1. Wuxuu noqday Qunsulka guud oo u dhigma wasiir ee magaalada Bishaawar ee Pakistan
  2. Wuxuu Noqday Sii hayaha Safaaradda Norway- Oslo
  3. Safiir ku-xigeenka Afghanistan – Kabul
  4. Safiir ku-xigeenka Sanca Yaman (2015-2017)
  5. Qunsulka Guud ee Canada ( 2012- 2015)
  6. Hoggaanka Barnaamijka Mareykanka iyo Talyaaniga ee Naasariyah Ciraaq (2006-2007)
  7. Isku-duwaha Xaquuqda aadanaga ee Safaaradda Maraykanka- ee Ciraaq ( 2007-2008)
  8. Wuxuu ka soo shaqeeyey Howlgalada Mareykanka ee Russia, China iyo Jamaica.

Ambasador Richard H. Riley ayaa marka ay anxisiyaan ansixiyaan aqalka senateka waxaa uu bedeli doonaa danjire Larry André Jr oo hadda ah safiirka mareykanka u u fadhiya Somalia.

Ad
Previous articleAbiya Axmed ‘Xilka waxaa iga qaadi kara oo keli ah shacabki i doortay markay codkooda ii diidaan’
Next articleXubno ka tirsanaa koox dil geysatay oo lagu soo bandhigay Muqdisho (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here