Home Wararka Maanta Dowlad Carbeed oo ballanqaaday in gargaar Caafmaad oo Dibada ah u fidineyso...

Dowlad Carbeed oo ballanqaaday in gargaar Caafmaad oo Dibada ah u fidineyso dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hotelka Xayaat

0

Weerarkii Al Shabaab dhawwaan ku qaadeen hotelka Xayaat ayaa waxaa ka dhashay qasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaar kamid ah dhaawacyada oo culus wali yaalaan isbitaalo kuyaalla Muqdisho.

Dowladda Qatar oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa si kulul u canbaareesay weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday hotelka Xayaat, waxa ayna madaxda dalkaasi tacsi usoo direen madaxweynaha Soomaaliya.

Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Xamad, oo telfoon kula soo xiriiray madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarka hotelka Xayaat, waxa uuna ballanqaaday in ay gargaar caafimaad u fidinayaan dadka dhaawacyada culus qaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaana uga mahadceliyay amiirka dalka Qatar garab istaaga uu u sameeyay iyo gurmadka caafimaad ay u fidinayaan dadka qaba dhaawacyada culus ee yaalla isbitaalada.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa horey u sheegay in dowladda Soomaaliya dalka dibadiisa u qaadeyso qaar kamid ah dadka dhaawacyada culus uu kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab ku qaadeen hotelka Xayaat.

Ad
Previous articleHooyada carruurteeda ay ku jireen Hoteelka Xayaat oo ka warrantay sida carruurteeda loo badbaadiyay.
Next articleBanaan-baxayaashii lagu xiray Somaaliland oo cuntada ka soomay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here