Home Wararka Maanta Hoggaamiyaha Jabhadda Gacanlibaax oo ka hadlay shantii maalin loo qabtay inay buurta...

Hoggaamiyaha Jabhadda Gacanlibaax oo ka hadlay shantii maalin loo qabtay inay buurta uga soo degaan

0

Ninka hoggaaminaya kooxda hubeysan ee buurta Gacanlibaax Maxamed Xasan Kayd ‘Ofwareen’ ayaa ka horyimid heshiiskii doorashada Somaliland iyo hub-u-dhigista jabhadda ee ay horey u aqbaleen beeshiisa iyo xisbiga mucaaradka Wadani iyo Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Heshiiskaas oo ay soo-saareen guddi dhex-dhexaadin oo ay u qoordhiibteen dhinacyada isku-hayay doorashada dib dhacday ee Somaliland ayaa dhigayay in la isasaaro Doorashada madaxweyne iyo madaxweyne xigeen iyo doorashada Ururada iyo Xisbiyadda Siyaasadda.

Heshiiskaas waxa uu sidoo kale xukun qudh iyo qoon bixin ah ku riday beesha uu kasoo jeeddo hoggaamiyaha kooxda hubeysan ee Gacanlibaax.

Waxaa xukunkaas ka mid ahaa magta dadkii ay dishay jabhaddu, iyo sidoo kale in dowladdu u fidiso cafis dableyda ku jira dhulka beeraleyda ah ee Gacanlibaax.

Waxaa sidoo kale la fray beeshaas ay muddo shan maalin ah ku kala dirto jabhadda.

Laakiin hoggaamiyaha jabhadda Gacanlibaax ayaa ka horyimid heshiiskaas, isaga oo sheegay inay sii wadi doonaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada dowladda Somaliland.

Waxa uu heshiiska ku tilmaamay in uu odeyaasha soosaaray u yeeriyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Waxa uu ku hanjabay inay dagaalka wadayaan ilaa iyo inta xukuumadda Somaliland iska casileyso.

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Qarax Culus oo Ka dhacay Muqdisho iyo Ragii Watay oo la qabtay
Next articleBooliska Soomaaliya oo ka Hadlay khasaaraha qarixii Ka Dhacay Muqdisho oo Ragii Watay La qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here