Home wararka Dalka Dhageyso Gudiga Xuduudaha Somalia oo ka Hadlay Soohdimo loo sameynayo Maamul Goboleedyada’

Dhageyso Gudiga Xuduudaha Somalia oo ka Hadlay Soohdimo loo sameynayo Maamul Goboleedyada’

0

Iyadoo Soomaaliya Maamul Goboleedyada ka jira inta badan uu dhexmaro Muran ku saabsan dhanka Xaduudaha ay wadaagaan Maamuladasi ayaa Guddiga Xaduudaha iyo Federaalka Soomaaliya waxaa uu sheegay inuu wado Qorshe Soodimo loogu sameynayo Maamulada ka jira Dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Xaduudaha iyo Federaalka Khaliif C/kariin ayaa Tilmaamay Guddiga Xaduudaha uu Arrintaasi dhaqsi u sameyn doono,waxaana uu Xusay in ay ka danbeysay kadib markii ay Isku dhacyo ka yimaadeen Muranka dhanka xaduudaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in wax Xaduudaha loo sameynayo aysan Aheyn Shacabka  Soomaaliyeed oo ay isku socon karaan,balse Maamul Goboleedyada lagu kala hagayo.

Soomaaliya oo Sanado ka hor qaadatay Nidaamka Federaalka oo aysan inbadan oo naga mid ah Fahamsaneyn ayaa waxaa Gobolada Qaar ka dhacay Dagaallo ku saleysan Dhanka Xaduudaha.

Halkan ka Dhageyso Codka

riix

10 ku laabo mudug24 xiriir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here