Home Wararka Somaliya Galmudug Xukuumadda Soomaaliya ayaa Galmudug ku wargalisay in si Deg Deg ah ay...

Xukuumadda Soomaaliya ayaa Galmudug ku wargalisay in si Deg Deg ah ay ku soo Magacaabaan Guddiga Laga sugayo ee Doorashada

0

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed ibraahim Macalimuu ayaa ka hadlay Maamul Gobaleedyada Soo Magacaabay Guddiyada Doorashada iyo Maamulka Wili Harsan.

Qoraal uu soo Dhigay Afhayeenka Bartiisa Facebook ayuu ku shaaciyay in Galmudug Looga Fadhiyo Magacaabista Xubnaha Guddiga waxuuna u qornaa Qoraalka Afhayeenka sidaa.

 

” Dowlad-goboleedyada inta badan wey u soo gidbiyeen Ra’iisul Wasaaraha liiska wax ka baddelka Guddiyada Doorashooyinka ee dib loo eegay. Waxaa weli laga war dhowrayaa Dowlad Goboleedka Galmudug oo ah Dowlad Goboleedka kaliya ee aan weli soo dirin.

Maadaama waqtigu uu soconayo, shacabka Soomaaliyeedna ay doonayaan in la dardargaliyo howlaha hirgalinta doorashooyinka ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga heer Wasiir ee uu magacaabay waxa ay ka codsanayaan Madaxweyne Ahmed Cabdi Kaariye inuu si dhaqso ah u soo gudbiyo liiska xubnaha Galmudug ee laga sugayo muddada todobaadka ah.

Ad
Previous articleMaxaad kala socotaa Fateexada ay dhexda ka galeen Gudigii dhawaan Ra’isul Wasaaruhu Magacaabay (Akhriso)
Next articleMadaxweynihii Hore ee Dalka iyo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo Kulan wada qaatay (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here