Home wararka caalamka odayal horay uga baxay shirka Cadaado o dib u soo labanya

odayal horay uga baxay shirka Cadaado o dib u soo labanya

1

Odayaasha Golaha Dhaqanka Magaalada Caabudwaaq, ayaa waxay iska diideen inay ka qaybgalaan Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Dhexe, ee ka soconaya Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Nabadoon Cilmi Siyaad oo u hadlay Odayaasha reer Caabudwaaq, ayaa tallaabada ay kaga baaqsadeen Magaalada Cadaado ku sheegay, iyadoo beeshii shirka martigelineysay ay iska diiday inay dusha u ridato ammaanka Cadaado.

“Anaga uma socono shirka ka furmay Magaalada Cadaado, sababtoo ah beeshii shirka martigelineysay ayaa waxay sheegtay inaysan ka masuul ahayn ammaanka shirka.” Ayuu yiri Nabadoon Cilmi Siyaad.

Waxa sidoo kale uu sheegay inaanay doonayn inay khatar geliyan noloshooda, isla-markaana ay dib ugu laabteen Magalada Caabudwaaq, inta ay xaajadu ka hagaageyso.

“Meel aan ammaankeeda leesku halleen karin ma dooneyno inaan isku haligno. Waxaan ku soo laabanay Magaalada Caabudwaaq, meesha ayaana sii jooggi doonnaa, inta arrimahan wax iska bedelayan.” Ayuu yiri Nabadoon Cilmi Siyaad.

Nabadoon Cilmi Siyaad, ayaa intaa ku daray “Midda kale waxaa inagu maqaal ah in Madaxweynaha Somaliya uu shirka furay uun, shirka uu qabsoomay Khamiistii oo keliya.”

Golaha Guurtida ee Maamulka Ximan & Xeeb, ayaa waxay ka diggeen in Shirka Magaalada Cadaado uu noqdo mid fashilma, waxayna Madaxweyne Xasan Sheekh ku dhaliileen inuu isaga tagey Cadaado, iyadoo ay xaaladdu cakiran tahay.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here