Home Wararka Maanta 30 Sano Kadib oo Muqdisho laga Furay Geerash lagu Dayactiro Diyaaradaha

30 Sano Kadib oo Muqdisho laga Furay Geerash lagu Dayactiro Diyaaradaha

0

Waxaa magaalada Muqdisho maanta laga daahfuray Blue Hangar, oo ah hangarkii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaradaha, laguna dayactiro ee laga furo Soomaaliya burburkii kadib.


Blue Hangar oo laga dhisay gudaha garooonka Aadan Cadde ayaa waxaa hirgeliyay shirkadda Aerosom oo ay maalgashadeen ganacsato Soomaaliyeed.

Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho wuxuu maalin kasta martigeliyaa in ka badan 130 duullimaad.
Mana jirin xarun lagu dayactiro diyaaraddii ay cillad qabsato, taas oo sababi jirtay in ay u safraan Kenya iyo Uganda, si loo hubiyo bedqabkooda.

Waxaase maanta baahidaas dabooshay oo ay hadda kadib adeeggaas ka heli doonaan Blue Hanger, oo si casri ah loo qalabeeyay.

Guddoomiyaha Shirkadda Aerosom, Ismaaciil Cabdullaahi Gooni oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in hangarkan uu ka dhashay baahi dalka ka jirtay, ayna isu kaashadeen sidii ay baahidaas uga haqabtiri lahaayeen diyaaraha duullimaadyada ka sameeya Muqdisho iyo gobollada Dalka.

Maareeyaha hay’adda Duulista Hawadda Soomaaliyeed, Axmed Macalin Xasan, ayaa sheegay in ay Soomaaliya tahay dalka kaliya ee aysan kormeer ku sameynin Hay’adda International Civil Aviation Organization (ICAO), hangarkaanna uu ka mid yahay shuruudaha ay dalbatay Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka ee ICAO, si ay Soomaaliya ugu biirto dalalka ay kormeerto.

Sababtaasna ay ku dhalisay in ay ganacsatada Soomaaliyeed u bandhigaan baahida taagan, kuna dhiirrigeliyaan in ay dalka ka hirgeliyaan hangar caalami ah.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Fardowsa Cismaan Cigaal, ayaa shirkadda Aerosom ku bogaadisay waxqabadka ay dalka ku soo kordhiyeen. Waxayna shirkadaha Soomaaliyeed ugu baaqday in ay maalgashadaan ganaciga gaadiidka iyo duulista, oo ay sheegtay in uu yahay ganacsi faa’iido badan u leh ganacsatada, diyaaraha, dowladda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Madaxdii iyo mas’uuliyiintii kale ee madasha ka hadashay ayaa shirkadda Aerosom uga mahadceliyay hirgelinta Blue Hangar oo daboolaya baahida taagan, ka qeybqaadanaya shaqo-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka, sidoo kalena bilaya magaca iyo sumcadda garoonka caalamiga ah ee Adan Cabdulle iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ad
Previous articleMuxuu ahaa Meydka la geeyay Masjid kuyaalla Muqdisho oo la diiday in lagu dukado Salaada Janaasada?
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dilka Loogaystay Maxamed Adeeroow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here