Home wararka caalamka Faafaahin= Dhuuso Mareeb oo Wadahadal uga Furmay Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxweynaha Xassan...

Faafaahin= Dhuuso Mareeb oo Wadahadal uga Furmay Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxweynaha Xassan Shiikh Maxamuud…Sawiro…

0

Dhuusamareeb waxaa ka billowday wadahadalo u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo 9 oday oo metelaya beelaha dega gobolada Galgaduud iyo Mudug, Madaxweynaha ayaa isku deyaya in uu ka dhaadhiciyo odayaasha in ay shirka u raraan Degmada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, hayeeshee odayaasha dhaqanka ayaa taas diiddanaa markii uu madaxweynuhu furay shirka dib u heshiisiinta oo dhowaan dhammaaday.

 

habeen ka hor ayaa gunnaanadkii shirkaas laga  soosaaray bayaan ku saabsan in shirkaasi xirmay islamarkaana loo gudbayo shirka maamulsameynta gobolada Mudug iyo Galgaduud, kaas oo sababay in madaxweyne Xasan Sheekh u safro gobolka si uu uga dhaadhiciyo odayaasha soo saaray war-murtiyeedkaas in ay aqbalaan in shirka maamul sameynta loo raro Cadaado.

 

Odayaasha ayaa sheegay in ay go’aansadeen in shirka maamul sameyntu uu ka furmo isla gogoshii uu ku dhammaaday shirkii dib u heshiisiintu, Wafdiga madaxweynaha oo ay xubno ka yihiin Wasiiru-dowlaha madaxtooyada, Wasiir xigeeno iyo xubno golaha shacabka ah iyo ganacsato ka soo jeedda gobolka ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii uu shirka maamul dhisidda ugu rari lahaa degmada Cadaado.

Madaxweyne Xasan oo gaaray Dhuusamareeb 4:00pm, waqtiga Dhuusamareeb ayaa muddo saacad ah waxa sugayey odayaasha dhaqanka,

wadahadalada labada dhinacna waxa ay furmeen goor dhoe iyada oo madaxweynaha iyo wafdigiisu ay isku dayayaan in madasha shirku maamul sameyntu noqoto Cadaado, Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in sababta ay u doorbidayaa Dhuusamareeb ay tahay magaaladaas oo ah meel u dhex ah degmooyinka gobolka oo dhan iyo tijaabada shrika dib u heshiisiinta oo ku soo dhammaaday si fiican.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ah kii labaad, isaga oo tegey furitaankii shirki soo afjarmay ee dib u heshiisiinta, waxaa jira warar sheegaya in madaxtooyada Soomaaliya ay dooneyso in ay maamusho oo iyadu ka taliso sida ay u dhismayaan dowlad goboleedyadu, hayeeshee taasi haddii ay jirto waxa lagayaabaa in ay halis geliso habka la qaatay ee federaal

 

odey1 xasan odey

Xarunta shirka Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here