Degmada Afgooye Ee Gobalka Shabeellaha Hoose oo Dagaal Maanta Ka Dhacay…Faafaahin…

    0

    Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Booliiska ee ku sugan degmada Afgooye iyo Rag hubeysan oo ku labisnaa dareeska ciidamada Milatariga dowladda Soomaaliya ayaa manta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

     

     

    Dagaalkaan oo daqiiqado badan socday ayaa waxaa ku dhintay Hal qof iyadoo la xaqiijiyay in Seddax kale ay ku dhaawacmeen, waxaana xaaladda caawa ay tahay mid degan.

     

     

    Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga eemaamulka Gobalka Shabeelaha Hoose Cali Nuure Maxamed ayaa sheegay  in dagaalkaan uu bilawday ka dib markii ciidamada Booliiska ay weerar ku qaadeen rag hubeysan oo gaadiidka Isbaaro ugu dhiganayey duleedka degmada Afgooye,ayna soo qabteen Laba ka mid ah ragaasi iyaga oo dhaawac ah.

     

     

    Hase ahaatee waxa uu sheegay in daqiiqado ka dib ay degmada rasaas xoogan kusoo fureen rag uu ku sheegay in ay ahaayeen Maleeshiyaad illa iyo xilligaan waxa ay yihiin aysan garan.

     

     

    Gudoomiye ku xigeenka ayaa dhanka kale meesha ka saaray in ciidamada maanta ay la dagaalameen ka mid yihiin ciidamada xoogga dalka, waxaana uu sheegay in ay u arkeen maleeshiyaad dadka dhibaato ku hayay.

     

     

    Warar maanta soo baxay inta dagaalka uu socday ayaa sheegayay in dagaalkaan uu u dhaxeeyay ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga ee degmada Afgooye duleedkeeda ku sugan.

    LEAVE A REPLY

    Please enter your comment!
    Please enter your name here