Home Wararka Somaliya Galmudug Bulshada cadaado oo loogu baaqay inay ilaaliyaan Hantida danta Guud {Sawiro}

Bulshada cadaado oo loogu baaqay inay ilaaliyaan Hantida danta Guud {Sawiro}

0

Kulankan oo socday muddo 6 maalin ah loona qabtay 60 qof oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Cadaado ayaa lagu wacyigelinayay sidii loo ilaalin lahaa dhismayaasha danta guud sida Maxkamadda iyo Dugsi Sare oo Midowga Yurub ay ka hirgaliyeen magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Lixda maalin ee uu socday Wacyigelinta ayaa waxaa looga hadlay wadashaqeynta bulshada iyo maamulka degmada Cadaado, Lahaanshaha mashruuca, Maamul wanaaga, wacyigalinta bulshada ee mashruuca, Doorka iyo mas’uuliyadda Guddiga dabagalka mashruuca iyo sida gacanta loogu siiheyn lahaa mashruucyadan.

Qaar ka mid ah bulshada ka faa’iideystay barnaamijkan Wacyigelinta ayaa ka hadlay sida ay uga faa’iideysan karaan mashaariicdan.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole ayaa ugu dambeyn soo xiray barnaamijka Bulshada lagu wacyigelinayay lixdii bari ee la soo dhaafay.

Ad
Previous articleRa’isul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay ururada Bulshada rayadka
Next articleCiidamada Galmudug oo matabaan ka saaray Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here