Home Wararka Somaliya Shirka iskaashiga amniga Dawladaha xubnaha ka ah DFS ee Galmudug iyo Puntland...

Shirka iskaashiga amniga Dawladaha xubnaha ka ah DFS ee Galmudug iyo Puntland ayaa maantay ka dhacay caasimadda Gobolka Mudug ee Gaalkacyo (Sawiro)

0

Shirka Iskaashiga amniga waxaa shir guddoominayey wasiirada Amniga labada maamul ee kala ah Md. Axmed M. Fiqi iyo dhiggiisa Md. C/samad Maxamed Galan, waxaana ka soo qeybgalay wasiirka maaliyadda PUNTLAND Md. Xasan Shire Abgaal, Labada Guddoomiye heer Gobol, labada Guddoomiye heer degmada Gaalkacyo, taliyaasha laamaha amniga ee Booliska, Nabadsugidda iyo Daraawiishta iyo xildhibaanno Galmudug barlamaankeeda ka tirsan iyo garsoorka.

Shirka ayaa lagu qiimeeyey xaaladda amni ee gobolka Mudug, dhaqdhaqaaqyada argagixisada iyo adkaynta nabadda magaalooyinka iyo deegaanada miyiga ah.

Gabagabadii shirka waxaa la isku raacay; in argagixisada Shabaab ee ku soo durkaysa deegaanno ka tirsan Koofurta Mudug gaar ahaan aagga Bacaadweyne in hawlgallo ciidan oo wadajir ah oo argagixisada deegaanadaas looga sifayno la qaado, Puntlad-na ay gacan laxaad leh ka geysato hawlgalkaas, waxaana hoosta laga xariiqay in amniga labada maamul uu isku xiran yahay, hey’adaha amniga ay dhinac walba iska kaashadaan dhinac walba iyo goob kasta oo cadwogu ku sugan yahay.

Waxaa kaloo shirka ka soo baxay in dhacdooyin dilal ah oo bilihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanno dhowr ah sida ugu dhaqdiyaha badan lagu xalliyo ayna maamuladu fududeeyaan kaalinta uga aadan xalka dhacdooyinkaas.

Ugu danbayn; magaalada Gaalkacyo waxaa shirku hoosta ka xariiqay in amnigeeda la adkeeyo, hey’adaha amniguna ay laba jibaaraan wada shaqaynta iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhexeeya.

Ad
Previous articleShil gaari ayaa ka dhacay Gobalka Mudug (Sawiro)
Next articleBoliiska Soomaaliya oo Lacag ku qabtay Garoonka Aadan Cadde (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here